Mucaaradka oo cambaareeyey dagaalka ka dhacay Beledxaawo, iyaga oo rajo xumo & daneysi ku tilmaantay 

Xubnaha mucaaradka ah ee ku bahoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyey dagaalka maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo kuwa Jubbaland.

Madashu waxay tacsi u dirtay dadkii ku dhintay iska horimaadka, waxayna sheegtay in dagaalkan uu halis ku yahay amniga, nabadda, iyo xasilloonida bulshada deegaanka.
Madasha ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Gedo uu burinayo dadaalladii DFS iyo Madasha Samatabixinta ay ku doonayeen in lagu xoojiyo midnimada dalka, la dagaalanka argagixisada, iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay.

Sidoo kale, waxay cambaareysay isticmaalka ciidamada Qaranka oo ay sheegtay in dano siyaasadeed lagu fushanayo, taas oo ay ku tilmaantay fursad ay ka faa’iideysan karaan cadowga dalka.

Waxay ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, kana fogaadaan siyaasad dagaal horseedaysa, si loo ilaaliyo midnimada shacabka Soomaaliyeed loona xoojiyo dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed