Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in la diiwaangeliyay 14 urur siyaasadeed cusub, kuwaas oo qaarkood ay hoggaaminayaan siyaasiin caan ka ah dalka, oo ay ku jiraan xubno hore uga tirsanaa madasha mucaaradka balse hadda heshiis la galay dowladda.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariim Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayuu ku sheegay in shahaadooyinka diiwaangelinta la guddoonsiiyay ururradaas, iyadoo isla markaana dib loo furay goobaha diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir.
“Waxaan furi doonaa diwaangalinta dadweynaha laga bilaabo 9-ka bishaan 9-aad ilaa 30-keeda, si ururrada cusub ay u helaan fursad,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.
Dhanka kale, siyaasiyiin mucaarad ah ayaa xaqiijiyay in ay fuliyeen is-afgaradkii ay hore ula galeen Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo keentay in xubno ka baxay Madasha Samatabixinta maanta qaataan shahaadooyinka rasmiga ah ee Guddiga Doorashooyinka.
HBN ONLINE TV