Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaare hore Xasan Cali Kheyrre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Xubnahaan oo warmurtiyeedkooda ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay sida hadalka ay u dhigeen in uu talada dalka la wareegay, iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, guddi doorasho, xeer doorasho, iyo mid xisbi intaba.
Waxaa warka lagu sheegay in uu beddelay dastuurkii dalka sida hadalka loo yiri isaga oo “samaystay xeerar doorasho iyo xisbi” halka uu magacaawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay “rabitaankiisa shakhsiga ah”.
“Waxan ka digeynaa halista Xeerka doorashooyinka, Xisbiyada iyo Guddiga uu Madaxweynaha magacaabay ee lagu sheegay guddi madaxbanaan” ayaa lagu yiri qoraalka wadajirka ah ee ka soo baxay xubnahaan.
Waxaa xubnuhu ka digeen in guddigu keeni karo muddo kororsi “Guddiga uu Madaxweynuhu magacaawday iyo xeerarka sida gardajeexa ah lagu marsiiyey goloyaasha isku milmay wuxuu dalka ka abuurayaa khilaaf hor leh, xasillooni daro siyaasadeed iyo qalalaase amni, wuxuuna horseedayaa muddo kororsi aan dhammaad lahayn”.
Waxaa ay ku andacoodeen in qaabka loo dhisay guddiga uu liddi ku yahay nidaamka federaalka ee labada heer dowladeed, kaasi dalka dib ugu celinaya sida hadalka u dhigeen “nidaamkii xarun-ka-taliska ahaa ee talada dalka hal shakhsi ku urursanayd”, halka shacabka Soomaaliyeed, saamilayda kale ee siyaasadda iyo saaxiibbada daneeya arrimaha Soomaaliya lala socodsiiyey in ay qaadaceen guddiga, xeerarka doorashoda iyo kan xisbiyada dhamaan.
Tobaadkan guddiga doorashada oo guddoonkooda hagi doona ku doortay Muqdisho ayaa sheegay in dalka ay gaarsii doonaan doorashada qofka iyo codka ah, iyaga oo qofkasta meesha uu joogo sida hadalka loo dhigay loogu geyn doono sanaadiiqda codbixinta.
HBN ONLINE TV