Morocco oo Maraykanka kala hadlaysa iibsashadaa Diyaaraddaha Dagaalka F-35

Warsidaha Africa Report ayaa daabacay in dawladaha Morocco iyo Maraykanka ay ka gaareen marxalad horumar lagu sifeeyay wadaxaajood muddo soo socday oo ku saabsan iibsashada diyaaraddaha dagaalka ee casriga ah F-35, kuwaas oo ah diyaaraddaha qarsoon ee jiilka shanaad ee Maraykanku farsameeyo, sida laga soo xigtay ilo wareed xog ogaal ah.

Iibsashada diyaaraddan ayaa noqotay mid degdeg ah oo muhiim u ah ciidanka Morocco, kadib markii dalka deriska la ah ee Spain uu ka tanaasulay qorshihiisii iibsiga diyaaraddaha F-35 sababo dhaqaale dartood.

Warbixinta ayaa xustay in wadahadallo u dhexeeya Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka iyo dawlada Morocco oo ku saabsan barnaamijka Inka Military ee Dibedda ee magaciisa loo soo gaabiyo (FMS) ay gaareen heer “aad u horumarsan”.

Warka ayaa intaasi ku daraya in wadahadalladu ay si wanaagsan u socdaan, waxaana si gaar ah diirada loo saarayaa dhowr qodob, kuwaas oo ku aadan iib diyaaraddaha F-35 oo Morocco doonayso inay ku xoojiso awooddeeda ciidanka cirka.

Heshiiskan la filayo ayaa imanaya xilli miisaaniyadda difaaca Morocco ay sii kordheyso sanadba sanadka ka dambeeya — iyadoo sanadkii 2024 lagu qiyaasay 124 bilyan lacagtaasi dalkaasi laga isticmaalo ee dirham-ka oo u dhiganta $34 bilyan doolarka Mareykanka, sanadkii 2025-na  waxay ahayd 133 bilyan oo dirham, halka sanad-miisaaniyadeedka cusub ee 2026 la saadaalinayo in kordhiyo 18% ah, taas oo gaareysa 157 bilyan dirham ama $43 bilyan oo doolar.

Ciidanka militariga ee Morocco awood ahaan waxay kaalinta 59-aad kaga jira caalamka halka kaalinta 7-aad ay kaga jiraan Afrika, sida lagu sheegay macluumaadka shabakada Global Firepower ee soo baxday sanadkan 2025. Xogta ayaa muujinaysa in Morocco leedahay ciidan ka kooban ku dhowaad 200,000 askari oo rasmi ah iyo 150,000 kayd ah, waxaa intaas dheer 50,000 ciidamo sida military-ga u tababaran una qalabaysan. Qiimayntan waxay dhigaysaa Morocco inuu ka dambeeyo quwadaha milatari ee Afrika sida Masar, Aljeeriya, iyo Koonfur Afrika, balse uu ka sarreeyo wadamo badan oo kale oo qaaradda ah.

Haddi  Morocco hesho diyaaradaha F-35, waxay noqon doontaa dalkii ugu horreeyay ee Afrika ee hela diyaarado noocaas ah. Arrintan waxay siin kartaa awood ciidan oo hawada aad u sarreysa iyo sumcad caalami ah. Waxaa sidoo kale keeni kartaa tartanka hubka dhexmara Morocco iyo Aljeeriya, maadaama labada dal ay hore ugu jiraan loollan milatari iyo siyaasadeed oo xooggan. Aljeeriya, oo haysata diyaarado Ruush ah sida Sukhoi Su-30 iyo Su-35, waxay u arki doontaa tallaabadan khatar culus. Sidaas darteed, helitaanka F-35 wuxuu si weyn u beddeli lahaa dheelitirka awoodda gobolka Waqooyiga Afrika.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed