Millatariga Somaliland ayaa sheegay inay jiraan xog ay ku baarayaan oo tilmaamaysa in dad shisheeye sida hadalka ay u dhigeen ay ka dambeeyeen beegsiga iyo dilalka shacabka Boorama intii ay rabshaduhu socdeen gobolka. Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdille oo ku hadlayey afka ciidamada Somaliland ayaa sheegay in ciidamadoodu aanay suurtagal u ahayn inay si ula kac ah u waxyeelleeyaan shacabka reer Awdal iyo Salal.
Gaashaanlaha ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin “gacan saddexaad” oo ka timid dad aan Somaliland ahayn, kuwaas oo meelaha fog fog kasoo tooganayay sida uu hadalka u dhigay shacabka, isla markaana adeegsanayay qoriga isnaybarka. Waxa uu intaas ku daray in ciidanku hadda daba socdaan warbixinno isdaba-joog ah oo ku saabsan arrintaas.
Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay inay u diyaariyeen magaalada Boorama gargaar caafimaad oo ay ku jiraan dawooyin, dhakhaatiir iyo ambalaasyo si loogu caawiyo dadka dhaawacyada qaba. Gaashaanluhu waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay magaalada.
Ma jiraan wax caddeymo ah ama dadka lagu sheegay inay dadka tooganayeen oo ciidanku soo bandhigay.
HBN ONLINE TV

