Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada oo lagu sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca (helicopter) ay ku dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska CXDS ayaa lagu sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin wax shil ah oo noocaas ah oo ka dhacay Baydhabo ama deegaanada ku xeeran.
“Taliska CXDS wuxuu xaqiijinayaa in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaana aysan jirin wax shil ah oo noocaas ah oo ka dhacay Baydhabo ama deegaanada ku xeeran” ayaa lagu yiri warka CXDS.
Sidoo kale, Ciidanka ayaa tilmaamay in wararkan ay u muuqdaan kuwo lagu doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu wiiqo kalsoonida hay’adaha amniga dalka.
“Wararkan been abuurka ah ayaa u muuqda kuwo lagu doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed laguna wiiqo kalsoonida hay’adaha amniga dalka.” ayaa lagu yiri markale warka CXDS.
Taliska CXDS ayaa ugu baaqay warbaahinta iyo bulshada inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, ayna xogta saxda ah ka helaan ilaha rasmiga ah ee ciidanka, isaga oo caddeeyay in xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ay tahay mid deggan, islamarkaana ciidamadu ay si buuxda u gunayaan waajibaadkooda.
Waxaa maanta si weyn loo faafiyey warkan, iyada oo warbaahinta qaar ay soo xiganayso masuuliyiin ay sheegeen in magaalada Baydhabo lagu soo riday diyaarad helicopter ah oo ay leedahay DFS, wallow si guud loo beeniyey jiritaanka xogtan.
HBN ONLINE TV

