Milatariga Soomaaliya ayaa kala cayriyay maleeshiyo beeleed isbaarooyin sharci darro ah dhigtay deegaanno hoos taga degmada Wanlaweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Tobannaan gaadiidka xamuulka ah oo ku xayirnaa deegaanka Yaaqbariweyne ayaa lagu guuleystay in halkaas laga sii daayo kaddib markii laga qaaday isbaarooyinkii halkaas yaalay, sida uu sheegay taliyaha guutada todobaad Axmed Gaashaan.
Korneyl Axmed Gaashaan oo ah taliyaha guutada 7-aad ee Milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta BBC-da u sheegay ‘’Waxaan ka bilownay dadkii dhibta gaystay ee gubitaanka bilaabay oo muslimka meeshaas ku dhibaataynayay, waxaan soo qabanay xubno sagaal xubnood ah oo aan maxkamada ku wareejinay, waxaan haddana soo qabanay dad isbaarooyin umudda ku dhibaateeyay dhulkaan Yaaqbariweyn ilaa Wanlaweyn agagaarkeeda.’’
Ciidamada ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira maleeshiyo baxsad ah oo Maxkamadda Ciidamadu ku xukuntay dil, ka dib markii lagu helay in ay gaysteen dikal dad rayid ah.
Hbn Online Tv

