Mikel Arteta oo hadlay dhaawacyada Gabriel Jesus iyo Thomas Partey ee toddobaadkaan

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay inuu ka walaacsan yahay dhaawacyadii soo gaaray Gabriel Jesus iyo Thomas Partey toddobaad, kaas oo warbaahinta la hadlay ciyaartii champion League oo Arsenal ay ka badisay kooxda Sevilla ee dalka Spain

Partey ayaa ahaa ciyaaryahan muhiim ah oo ka maqnaa kooxda Arsenal ciyaartii  Champions League ee ay guusha ka gaareen Sevilla, iyadoo kooxdu xaqiijisay inuu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray tababarka Isniintii.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka reer Brazil ayaa  codsaday in garoonka laga saaro ka dib dhaawac muruqa ah ciyaarta oo ay ka harsaneed sagaal daqiiqo.

Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay haatan sugi doonto si ay u ogaato heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Partey, kaasoo loo maleynayo inuu yahay dhibaato bowdada ah, wuxuuna qirtay in xaalada Jesus aysan wanaagsaneyn.

Gunners ayaa u baahan doonta inay Sevilla ku garaacdo Emirates Stadium 8-da November waxayna rajaynaysaa in Lens ay garaacdo PSV Eindhoven isla habeenkaas si ay u xaqiijiyaan booskooda wareega 16ka Champions League, waana fursadii ugu horeysay ee ay heli karaan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed