Midowga Yurub oo qaaday qaar ka mid ah cunaqabateyntii saarneyd Suuriya

Midowga Yurub ayaa qaaday qaar ka mid ah cunaqabateynta  saarneyd Suuriya, iyagoo sheegay in tallaabadani ay  qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo horumarka dimoqraadiyada inta lagu jiro marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalkaas.

Isbahaysiga Midowga Yurub ayaa xaqiijiyey  in ay si degdeg ah u hakiyeen xayiraadaha saarnaa shidaalka, gaaska, korontada, iyo sidoo kale cunaqabateynta saameynta ku yeelatay waaxda gaadiidka, oo ay ku jirto duulista. Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digeen in go’aankan dib looga laaban karo haddii hoggaanka ku meelgaarka ah ee Suuriya uu ku guuldareysto hirgelinta dib-u-habeynta laga filayo.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale dib u soo celiyay suurtagalnimada maalgelinta iyo bixinta ilo dhaqaale oo gaaraya shan bangi. Sidoo kalena, waxaa la fududeyn doonaa xayiraadaha saarnaa dhoofinta badeecadaha laga isticmaalo gudaha Suuriya.

Midowga Yurub wuxuu sii wadayaa inuu adkeeyo cunaqabateynta ballaaran oo saaran qeybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha Suuriya iyo shakhsiyaad, taasoo la saaray intii uu xukunka hayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar al-Assad. Hoggaanka cusub ee dalka ayaa ugu baaqay reer Galbeedka inay fududeeyaan cunaqabateynta si Suuriya ay uga soo kabato sannado badan oo xukun kaligii talisnimo ah iyo dagaal sokeeye ay ku jirtay.

Midowga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wasiirradooda arrimaha dibadda ay go’aansadeen inay hakiyaan cunaqabateynta qaarkood si ay u taageeraan “kala-guur siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ka dhaca Suuriya, iyo dadaallada lagu dardargelinayo soo kabashada dhaqaalaha, dib u dhiska, iyo xasilinta dalka.”

Waxay sidoo kale sheegeen in haddii hoggaanka kumeelgaarka ah ee Suuriya uu ku dhaqaaqo jiho khaldan, in cunaqabateynta si dhakhso ah mar kale dib loogu soo rogi karo. Ahmad al-Sharaac, oo ah hoggaamiyaha kooxda Hay’at Tahrir al-Sham, ayaa bishii hore loo magacaabay madaxweynaha kumeelgaarka ah kadib kulan ay isugu yimaadeen inta badan kooxihii mucaaradka ahaa ee xukunka ka tuuray  Assad iyo qoyskiisa oo Suuriya ka talinayay muddo 50 sano ka badan.

Al-Sharaac wuxuu kulamo la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si uu u xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo inuu hoggaamiyo ololaha dib-u-dhiska kadib in ka badan toban sano oo dagaal sokeeye ah oo burburiyay dalka, isla markaana qaybo ka mid ah Suuriya ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye.

Maamulka cusub ee Suuriya ayaa la filayaa inuu Talaadada bilaabo shir wadatashi qaran oo looga hadlayo jihada cusub ee dalka. Shirkan ayaa ah ballanqaad muhiim ah oo dowladda cusub ay doonayso inay ku dejiso dastuur cusub, qorshe dhaqaale oo cad, iyo nidaam dib-u-habeyn hay’adeed, iyadoo sidoo kale raadinaysa in laga qaado cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Suuriya.

Dowladda cusub ee la filayo in la dhiso bisha soo socota ayaa la sheegayaa inay tixgelin doonto fikradaha iyo talooyinka ka soo baxa shirkaas.

Geir Pedersen, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, ayaa sheegay in dhismaha “dowlad cusub oo loo dhan yahay” ka hor 1-da bisha Maarso ay caawin karto in la qiimeeyo in cunaqabateynta reer Galbeedka laga qaado Suuriya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed