Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Ku xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell, iyada oo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimahii u dambeeyay ee ka taagan gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Ku xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Al-shabaab, iyo adkeeynta ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.
Sida oo kale dadka faalooda ayaa sheegaya sababta midowga Yurub hadda Soomaaliya uu xulufada uga raadinayo in uu ka cabsi qabo in ay ku biirto isbaheysiga hadda dunidu ku baraarugtay BRICS, kaasi oo ay sameysteen wadamada is gaashaan buureystay oo dhowr ah.
HBN ONLINE TV

