Midowga Diyaaradaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay shaqa joojin dal iyo dibad

Masuuliyiinta maamullada shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya oo magaalada Muqdisho isugu yimid maanta shir xasaasi ah ayaa sheegay in muddo dhowr jeer ay soo bandhigayeen cabashooyinkooda ay dowladdu wax ka qaban waysay, sida warka loo dhigay.

Shirka masuuliyiinta oo waxaa lagu soo saaray go’aan culus ayaa lagu sheegay in shaqadooda ay ka wadi waayeen sida ay hadalka u dhigeen wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka, iyaga oo ku dhowaaqay in ay joojiyeen duulimaadyadii gudaha iyo dibadda laga bilaabo berri oo Arbaco ah 22-ka Janaayo, 2025-ka.

“Waxay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed caddeynayaan in ay shaqadii ka wadi waayeen wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, laga bilaabo beri oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Janaayo, 2025 waxay gebi ahaanba shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed joojiyeen dhammaan duulimaadyada gudaha dalka iyo dibadda ay ku tegi jireen ilaa xal waara laga gaarayo”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed