Midowga Afrika oo sheegay in ay si dhow ula socdaan go’aankii uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka falciliyay bayaankii dhowaan ka soo baxay Dowladda Mareykanka ee xayiraada lagu saaray muwaadiniinta 12 dal oo ay ku jiraan qaar Afrikaan ah.
Bayaanka Midowga Afrika ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay in xayiraada ay si dheellitiran oo caddayn ku saleysan u adeegsato, isla markaana ay tixgeliso iskaashiga ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka walaacsanuihiin saameynta taban ee tallaabooyinkaas ay ku yeelan karaan xiriirka dad-weynaha, is-dhaafsiga waxbarasho, ganacsiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.
Sidoo kale Midowga Afrika ayaa Maamulka Mareykanka ugu baaqay in uu qaato hannaan wadatashi ku saleysan, islamarkaana uu bilaabo wada-hadal wax-ku-ool ah oo lala yeesho waddamada ay arrintu khuseyso.
Midowga Afrika ayaa xusay in isgaarsiintu noqoto mid furan oo hufan, isla markaana la sameeyo iskaashi lagu xallinayo sababaha salka u ah go’aankan haddii loo baahdo.
HBN ONLINE TV