Mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa ku tilmaamay dagaalka sokeeye ee Suudaan “masiibada bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka,” iyagoo ka digaya saameynta daran ee uu ku leeyahay dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta la ildaran nafaqo-xumada.
Hadalladan ayaa ka soo baxay dood uu qabtay Midowga Afrika, halkaas oo lagu falanqeeyay dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF, kaasi oo barakiciyay ilaa 12 milyan oo qof.
Mohamed Ibn Chambas, oo ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee arrimaha Suudaan, ayaa sheegay in dagaalku uu carqaladeeyay gargaarka bini’aadantinimo, kaasi oo sababay cunto yari ba’an, islamarkaana uu xoojiyay macaluusha.
Wuxuu xusay in haweenka iyo carruurta ay la kulmaan xadgudubyo joogto ah, halka waayeelka iyo dadka xanuunsan ay waayeen daryeel caafimaad. “Tani waa musiibada bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka,” ayuu yiri, isaga oo muujiyay walaac ku aaddan rabshadaha sii socda iyo xal la’aanta siyaasadeed.
Ibn Chambas wuxuu carrabka ku adkeeyay in wada-hadalka siyaasadeed ee u dhexeeya shacabka Suudaan uu yahay “xalka kaliya ee dagaalkan lagu soo afjari karo,” wuxuuna sheegay in faragelinta shisheeye ay sii dheeraysay dagaalka.
Wilson Almeida Adaw, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika ee arrimaha daryeelka carruurta, ayaa sheegay in boqolkiiba 44% ay kor u kacday tirada carruurta nafaqo-darrada ay heyso ee la dhigay isbitaallada sanadkii 2024, iyadoo in ka badan 431,000 oo carruur ah la daweeyay.
Adaw wuxuu intaa ku daray in ay jiraan warbixino sheegaya “xadgudubyo waaweyn” oo ka dhacay Suudaan, oo ay ka mid yihiin weerarro lagu qaaday dugsiyo iyo isbitaallo, askaraynta qasabka ah ee carruurta iyo diidmada ah in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.
Ciidamada Suudaan waxay gacanta ku hayaan waqooyiga iyo bariga dalka, halka RSF ay maamulaan inta badan gobolka Darfur, halkaas oo Qaramada Midoobay ay ku eedeysay in ay xannibayaan gargaarka bini’aadantinimo.
Clementine Nkwita Salami, oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Suudaan, ayaa sheegtay in xayiraadaha ay RSF ku soo rogtay ay “ka hortagayaan gargaarka nolosha lagu badbaadinayo in uu gaaro dadka ugu baahan.”
Ambassador Bankole Adeoye, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu dadaal ugu jiro in uu dhammaan dhinacyada Suudaan, oo ay ku jiraan rayidka iyo siyaasiyiinta, uu ku mideeyo “xal guud oo loo helo dhibaatada, iyo wada-hadal siyaasadeed oo horseedi doona soo celinta dimuqraadiyadda dastuuriga ah ee Suudaan.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa Axaddii la soo dhaafay ku dhawaaqday in “hoggaanka dalka” uu soo bandhigay khariidado waddo ee marxaladda dagaalka ka dib, taasoo ka kooban dib u billaabidda geeddi-socodka siyaasadeed iyo qabashada doorashooyin guud.
HBN ONLINE TV