Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho kulan degdeg ah oo heer wasiirrada arrimaha dibadda ah, kaas oo lagaga hadlayo xaaladda siyaasadeed la xiriirta aqoonsiga ay Israa’iil ee Somaliland.
Sida ay sheegeen diblomaasiyiin, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa saamaynta siyaasadeed iyo amni ee ka dhalan karta arrimaha la sheegay ee gobolka, iyadoo ay jirto xasaasiyad sare oo ku saabsan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Geeska Afrika, si gaar ah madaxbaanida Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa si joogto ah u adkeeyay taageeradiisa midnimada Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu mar kale ku celiyo mowqifkiisa, kaddib marka uu soo dhammaado kulanka degdegga ah.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

