Mid lamid ah Saraakiisha ugu caansan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo dhaawac ka soo gaaray qarax lala eegtay iyo ciidamo ku dhintay

Jeneraal Xasan Maxamed Abuukar oo loo yaqaan Xasan Jaamici oo kamid ahay saraakiisha ugu sarreyso ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in lala eegtay qarax culus asaga iyo qaar kamid ah ciidamado ilaalo u ahay oo la socday.

Jeneraalka ayaa la sheegay in qaraxa uu kasoo gaaray dhaawac, halka saddex kamid ah ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan wararka hordhac ah ee soo baxaya. Jananka ayaa la dhigay Isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, ila iyo hadda dowladda Soomaaliya iyo Taliska Soomaaliyawax war ah ka soo saarin. Sargaalkaan ayaa ahay taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya qeybta 21-aad.

Wararka ayaa intaas kusoo daraya in qaraxa oo ahaa miino wadada la galiyay ay waxyeelo iyo burbur u geysatay  gaari qooqan ah uu Jeneraalka watay.

Qaraxa Jeneraalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la soo wariyay inuu shalay yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna muddooyinkii dambe ku sugnaa Galmudug oo saldhig u ahaa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed