Mid ka mid ah taliyayaashii ciidamada Puntland ee hoggaaminayay dagaalka Cal Miskaad oo geeriyooday

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey geerida Marxuum Maxamuud Jaamac Leexo Taliye-Urur ka tirsanaa Guutada 1-aad ee ciidamada Puntland, kana mid ahaa hormuudka howlgalka Hilaac ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa ku geeriyooday dagaal culus oo ay ciidamada Puntland kula galeen koox ku suganeyd deegaanka buuraleyda ah. Mas’uuliyiinta hoggaaminaya Howlgalka Hilaac ayaa sheegay in Maxamuud Leexo uu ahaa mid ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon, kuna sifoobay geesinimo, hufnaan iyo hoggaan ciidan oo leh waaya-aragnimo.

Puntland ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelka, ciidanka iyo shacabka Puntland. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Ciidammada, iyo dhammaan shacabka Puntland, geeridii ku timid Allaha u naxariistee marxuum Maxamuud Jaamac Leexo, oo maanta ku shahiiday dagaalka xaq-u-dirirka ah ee ka socda buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Puntland.

Howlgalka Hilaac oo ah mid ballaaran oo socday muddooyinkii u dambeeyey ayaa ah wajigii seddexaad ee dagaalka lagu beegsanayo Daacish, iyadoo Puntland ay ku dadaalayso xaqiijinta amniga gobolka iyo xoreynta dhulka ay kooxdu ku dhuumaaleysanayaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed