Mid ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka Awdal oo si adag uga horyimid qorshaha Itoobiya lagu siinayo saldhig ciidan

Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga yaqaan deegaanada Somaliland, isla markaana ka mid ah xisbiga Wadani ee mucaaradka ah ayaa si adag uga horyimid qorshaha Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku doonayo in uu Itoobiya ku siiyo saldhig ciidan oo ay ka sameystaan gobolka Awdal, taasi oo qayb ka ah isfahamkii magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed & Madaxweyne Muuse Bixii Cabdi.

Siyaasi Maxamed Jaamac oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa isagoo saxaafada la hadlaya uu tilmaamay in dadka gobolka ay ka soo horjeedaan tilaabadaasi ayna keeni doonto in Boorame & Haregysa kala tagaan.

Hadalkan siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal ayaa ku soo aadayaa iyadoo muran xooggan uu ka taagan yahay heshiiskaasi oo dawlada Soomaaliya ay si adag uga timid kuna tilmaamtay mid xagudub ku ah qarannimada Soomaaliya & madaxnannaanida Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed