Taliyaha guud ee ciidamada Xuutiyiinta, Maxamed al-Ghamari, ayaa sheegay in duqeymaha Israa’iil ee lagu qaaday caasimadda Yemen ee Sanca “aanay jawaab la’aan noqon doonin”, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin Qaza “iyadoo aan loo eegin cabbirka weerarrada & naf hurnnimada.”
Hadalka Al-Ghamari ayaa yimid kadib markii ciidamada Israa’iil ay Khamiistii ku dhawaaqeen isku day dil oo ka dhan ah isaga iyo Wasiirka Difaaca Xuutiyiinta Maxamed al-Caatefi, oo lagu qaaday duqeyn cirka ah oo ka dhacday caasimadda Sanca.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu beegsaday kulan ay lahaayeen hoggaamiyeyaal sar sare oo Xuutiyiin ah “taasi oo lagu saleynayo xog sirdoon oo sax ah”, hase ahaatee masuuliyiinta Xuutiyiinta ayaa sheegay in “aysan jirin wax run ah oo ku saabsan wararka sheegaya in hoggaamiyeyaal Sanca lagu beegsaday.”
Al-Ghamari ayaa ku dooday in kordhinta weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Yemen iyo Gaza “aanay muujin awood, balse ay tahay caddeyn ku saabsan guul-darro iyo awood-darro ay ku wajahdo in ay gaarto yoolkeeda ku dhowaad laba sano,” isaga oo balanqaaday in ay “si la mid ah ugu jawaabi doonaan.”
Waxa uu sidoo kale ammaanay “adkaysiga taariikhiga ah ee shacabka reer Falastiin ee Gaza” iyo “ka-qaybgalka joogtada ah ee shacabka Yemen, kuwaas oo muddo laba sano ah iyagoo malaayiin ahna u soo baxayay banaanbaxyada lagu taageerayo Falastiiniyiinta iyaga oo aan daal iyo tabar-darro muujin.
Khamiistii, Israa’iil ayaa qaaday weerar ballaaran oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday caasimadda Yemen ee Sanca, waxaana ciidamada Israa’iil ay sheegeen in fuliyeen weerar xagga cirka oo ay ku sheegeen inuu ahaa mid sax ah oo lagu qaaday goob ciidan oo ay lahaayeen Xuutiyiinta, iyaga oo sheegay in bartilmaameedku ahaa taliyaha guud iyo wasiirka difaaca ee kooxda, balse ay sugayaan xaqiijinta natiijada weerarka.
Dhacdooyinkani waxay kusoo beegmayaan iyadoo Xuutiyiintu ay sii wadaan weerarrada ay ka dhan ah Israa’iil, kuwaas oo ay ku jiraan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, iyo bartilmaameedka maraakiibta xiriir la leh ama u socda Israa’iil, taas oo kooxda Xuutiyiinta ku sheegtay inay tahay jawaab ku aaddan dagaalka Israa’iil ee lagu burburinayo Qaza.
HBN Online TV