Mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa ayaa maanta ka socda gobolka Kordofanta Waqooyi ee dalka Suudaan halkaasi oo ay ku hardamayaan ciidanka Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF.
Ilo ka tirsan ciidanka Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in iska horimaadyo ay ka dhaceen agagaarka deegaanka Jabra al-Sheikh ee gobolka Kordofanta Waqooyi, iyaga oo xusay in cutubyada madaafiicda ay duqeeyeen goobaha ay ku sugnaayeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah.
Dhanka kale, ilo militari ayaa sheegay in RSF ay duqeysay deegaanka Samasam oo ku yaalla koonfurta magaalada Dillinjii, iyo sidoo kale deegaanka Abu Jubeha ee gobolka Kordofanta Koonfureed.
Isla wararka dagaalladan, ilo militari ayaa sheegay in ciidanka Suudaan iyo xoogagga taageeraya ay howlgallo ka fuliyeen saddex jiho oo dagaal oo ku hareeraysan magaalada Kadukhli, caasimadda gobolka Koonfurta Kordofan.
Kordofan waa mid ah goobaha ugu daran ee dagaalladu ka socdaan, wuxuuna ka kooban yahay saddex gobol oo hodan ku ah shidaalka, dahabka iyo dhul-beereed. Gobolkaasi waxa uu sidoo kale xiriir muhiim ah u yahay dhulalka ay ciidanku ka taliyaan ee waqooyiga, bariga iyo bartamaha Suudaan iyo gobolka Darfur, oo ay RSF gacanta ku hayaan tan iyo dhammaadkii Oktoobar ee sannadkii hore.
Iskahorimaadka Suudaan oo billowday Abriil 2023 ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay “musiibada bani’aadannimo ee ugu daran dunida.”
HBN Online TV

