Mid ka mid ah asaasayaashii Puntland & sarkaal ciidan oo muddo dheer ku lug lahaa siyaasadda & military-ga Soomaaliya oo UK ku geeriyooday

Inta aanan u gudbin wararka kale, ALLAHA u naxariistee waxaa xalay magaalada London ku geeriyooday Jamac Cali Jamac, oo ahaa siyaasi iyo sarkaal ciidan oo muddo dheer ku lug lahaa siyaasadda & military-ga Soomaaliya, kaddib xanuun uu la ildarnaa toddobaadyadii u dambeeyay, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyo saaxiibadiis.

Marxuum Jama Cali Jama ayaa muddo kooban, laga bilaabo November 2001 illaa May 2002, soo noqday madaxweyne ku-meel-gaar ah Maamulka Puntland, xilli uu gobolkaas uu ka taagnaa khilaaf siyaasadeed iyo muran dastuur ah.

Jamac Cali waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, kaddibna waxa uu ku biiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu darajo ahaan ka gaaray Korneyl.

Waxaa lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii door muhiim ah ka soo qaatay taariikhda hore ee siyaasadda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed