Wararka ka imaanaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay mid ka mid ah saraakiishii Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe, kaasi oo sida la sheegay ahaa shaqsi si dhow ugu xirnaa howlaha safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.
Faarax Caydiid Jamac oo ahaa sarkaal sare oo dhinaca amniga ah ayaa ahaa howlwadeen u xil saarnaa in uu ku matalo Qunsuliyadda arimaha muwaadiniinta Itoobiyaanka ah, la socodka iyo caawinta kuwooda safarka ah.
Sarkaalkan ayaa la sheegay in xalay lagala baxay gurugiisa, iyadoo la soo wariyey in maydkiisa uu ka muuqday dhaawacyo culus iyo jir dil la isugu daray, ka dibna Maydkiisa lagu tuuray Dooxada Goojacadde oo ku yaala duleedka magaalada Laascaanood.
Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysa dilka Sarkaalkan, iyada oo la sheegay in marxuumka laga qaaday dhammaan mobiladiisa, kadibna la toogtay taasi oo muujinaysa in dilku ahaa mid qorshaysan sida hadalka loo dhigay.
Sida ay muujinayaan xogo kale, Faarax Caydiid Jama ayaa horaantii bishii maarso ee sanadkan Qunsuliyaddu Itoobiya ugu magacowday wakiil rasmi ah kaasi oo qabanaya shaqooyin ay ka mid yihiiin fududeynta taageerada iyo xiriirka ay qunsuliyaddu la leedahay muwaadiniinteeda ku sugan xuduudaha, gaar ahaan xilligan oo ay jiraan xaalado amni.
Illaa hadda, si rasmi ah loo ma shaacin cidda ka dambeysa dilka sargalkan, iyadoona Qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe aysan wali ka hadlin dhacdadan, haseyeeshee waxaa socda sida la sheegay baaritaanno ay wadaan hay’adaha ammaanka ee maamulka SSC-Khaatumo oo ka arimiya goobta uu falkani ka dhacay.
HBN ONLINE TV