Wararka ka imaanaya magaalada Goma ee dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo ayaa sheegaya in wadooyinka magaaladaasi ay daadsan yihiin meydadka dadkii ku dhintey dagaalada 24-kii saac la soo dhaafay magaalada ka dhacay, waxaana aad u mashquuls isbitaallada oo ku hawlan daaweynta bukaanada qaba dhaawacyada rasaasta iyo qaraxyada.
Tani waxay ku soo aadaysaa maalin kadib markii fallaagada M23 oo taageero ka helaysa Rwanda ay galeen magaalada ugu weyn bariga Congo, sida ay maanta sheegeen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka.
Fallaagada M23 ayaa Isniintii qabsaday magaalada Goma, taas oo xoojisay colaadda soo jiitameysay in ka badan 30 sano. In kastoo ay magaalada ka talinayaan, haddana waxay la kulmayaan iska caabin ka imaanaysa ciidanka dowladda iyo kooxaha taageeraya.
Tan iyo saaka waxaa magaalada laga maqlayay rasaas iyo madaafiic iyadoo meydad badan lagu arkay wadooyinka, sida uu sheegay Jens Laerke oo ah afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobay ee gargaarka bani’aadanimada ee magaciisa loo soo gaabiyo OCHA, isaga oo soo xiganaya wararka ka imanaya shaqaalaha ku sugan magaalada.
“Xaaladda bani’aadanimada ee magaalada Goma iyo nawaaxigeeda waa mid aad u walaac leh,” ayuu Jens ku yiri shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Geneva.
Boqolaal qof ayaa isbitaallada la dhigay iyagoo qaba dhaawacyo ay sababeen rasaas iyo qaraxyo, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ee Congo. Waxay intaas ku dartay in todobaadkii hore Qaramada Midoobay ay tirisay 600-700 qof oo dhaawac ah oo lagu daweeyay isbitaallada magaalada Goma.
Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in mid ka mid ah isbitaalladeeda lagu keenay in ka badan 100 bukaan oo qaba dhaawacyada madaxa iyo xabadka oo ka dhashay rasaasta iyo madaafiicda, 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Dagaalka ayaa waxaa barbar socday boob baahsan, iyadoo hay’adaha ICRC iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ay soo sheegeen in sahaydii caafimaadka iyo cunnada la dhacay.
HBN Online TV