Talaabada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, ayaa Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya, intii uu socday Kalfadhiga Saddexaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya (JCC) oo ka dhacay magaalada Nairobi.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Amb. Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Kenya, Xoghayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Qurba-joogta, Musalia Mudavadi, ayaa astaan u ah xiriirka labada dal.
Heshiisyadu waxay khuseeyaan dhinacyada sida arrimaha dibadda, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo adeegyada bulshada, taasoo muujinaysa ballanqaad cusub oo lagu kobcinayo xasilloonida, barwaaqada, iyo horumarka bulshada.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leeyihiin heshiisyadan, isagoo tilmaamay inuu jiro waa cusub oo iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ay wadaagaan hadafyada horumarineed iyo faa’iidada labada dhinac.
Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. Intii uu socday Kalfadhiga 3-aad ee heer Wasiir ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya (JCC) ayaa labada dal waxa ay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay sare u qaadista xiriirka labada dal. Kalfadhigan oo ay hogaaminayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Musalia Mudavadi iyo Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Musalia Mudavadi ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay dadaalka labada wafdi ee ku aadan qabsoomida shirka JCC.
Wada-hadalladan, ayaa waxaa lagu kala saxiixday laba heshiis oo is-afgarad ah (MoUs) oo ku saabsan waxbarashada iyo arrimaha diblomaasiyadda, kuwaas oo ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay barwaaqada iyo xasilloonida gobolka.
HBN NEWS DESK