Maxkamdda ICC oo ka qaylisay “cadaadis” Mareykanka uu ku hayo oo ku aadan Israaiil.

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa walaac ka muujiyay cadaadiska ay maxkamaddu kala kulmayso Mareykanka, kaasi oo ku aadan baaritaannada ay ku hayaan weerarrada Israa’iil ay ka wado Marinka Gaza.

Wareysi uu bixiyay Karim Khan ayaa shaaca kaga qaaday in masuuliyiinta maxkamadda ICC ay helayaan farriimo “hanjabaado” shaqsiyadeed ah oo uga imaanaya taageerayaasha Ruushka iyo Israa’iil.

“Haddii aad ogolaatid weerar lagu qaado maxkamada, markaa ma lihid nidaam ku salaysan qawaaniin,” ayuu yidhi Khan, isaga oo raaciyay: “Waxay u fiican tahay dalalka aduunka oo dhan, in si aan kala go ‘lahayn lagu dhiirado in loo istaago mabda’a halkii aad ka ahaan lahayd kan u taagan damac.”

20-kii May, Khan waxa uu ku dhawaaqay in uu ka dalbanayo maxkamadda inay soo saarto amar lagu soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal.
Haddii amarka xariga la soo saaro, Netanyahu iyo Gallant ma awoodi doonaan inay u safraan midkoodna 124-ka waddan ee xubnaha ka ah ICC, maadaama ay tahay in ay fuliyaan amarkaas.

Maxkamadda ayaa horey u soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo lagu eedeeyay masaafurinta sharci darrada ah ee carruurta laga keenay Ukraine markii uu bilowday dagaalka Febraayo 2022.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymahaasi, wuxuuna ku adkeystay in carruurta laga soo daad gureeyay aagga dagaalka si loo badbaadiyo naftooda, isla markaana amarkaasi uusan ahayn mid lagu dabaqi karo maadaama dalkaasi uusan xubin ka aheyn ICC.
Hanjabaadaha iyo cadaadiska ICC-da maaha wax cusub.

Mar sii horreysay, Yossi Cohen, madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa u hanjabay Fatou Bensouda, (FAATUU BENSOWEYDA( oo ah dacwad oogihii hore ee maxkamadda ICC, ka dib markii ay bilowday baaritaan horudhac ah oo ku saabsan xaaladda Falastiin, qiimeynta eedeymaha dambiyada Gaza, Daanta Galbeed, iyo Bariga Jerusalem.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed