Maxkamadda-sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ka hadashay doorashadii ka dhacday deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegtey in aysan wax natiijo ah ka soo gaarin doorashadii qof & cod ee la qabtay 10-kii bishaan May 2026.
Warka ka soo baxay Maxkamadda Sare oo dood badan dhaliyey ayaa meesha ka saaraya in wax ogaansho ah ay ku lahayd Maxkamaddu.
“Maxkamadda Sare ee Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in, illaa iyo hadda, aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey Maxkamadda Sare” ayaa lagu yiri warka Maxakamadda sare,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka maxkamadda.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore u sheegeen inay natiijooyinka rasmiga ah ka sugayaan Maxkamadda Sare.
Doorashooyinka qof iyo cod ee dowlad-goboleedyada dalka ayaa weli wajahaya dib u dhac iyo muran siyaasadeed, iyadoo mucaaradka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay ku baaqayaan in la qabto doorasho federaal ah oo heshiis lagu yahay.
HBN ONLINE TV

