Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijadii doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee maamulka maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii bartamihii bishaan ay sheegtay in aysan wax natiijo ah ka soo gaarin doorashadii la qabtay 10-kii bishaan May 2026.
Go’aankan ansixinta ah ayaa yimid kadib fadhi ay yeesheen garsoorayaasha qeybta doorashooyinka ee Maxkamadda Sare 25-ki bishaan May 2026, iyada oo maxkamaddu hore guddiga uga dalbatay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan habraacyadii loo maray doorashada iyo natiijooyinkeeda.
Maxakamadda waxay sheegtay in Guddiga doorashooyinka ay 24-kii bishaan May 2026 u soo gudbiyeen warbixin rasmi ah oo la xiriirta habsami u socodka doorashada, tirada codbixiyeyaasha iyo qaabka loo maareeyay goobaha codbixinta.
Sida lagu sheegay xogta doorashada, waxaa ka qeybgalay 32 urur siyaasadeed, iyadoo doorashadu ka dhacday 13 degmo oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Tirada kuraasta lagu tartamay ayaa ahayd 95 kursi, halka goobaha codbixinta ay gaareen 298 goobood.
Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in 376,212 qof ay iska diiwaangeliyeen codbixinta, halka 128,276 qof ay si rasmi ah u codeeyeen. Codadka ansaxay ayaa gaaray 132,430 cod, halka 4,154 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.
Maxkamadda Sare ayaa ugu dambeyn shaacisay in doorashadu ay u dhacday si waafaqsan habraacyadii loo dejiyay, islamarkaana si kama dambeys ah u ansixisay natiijadii kasoo baxday doorashada.
Go’aanku wuxuu imanayaa, kadib markii 18-kii bishaan May war shaki abuuray uu ka soo baxay Maxkamadda-sare, kaasi oo lagu si cad loogu sheegay in aanay wax natiijo ah ka soo gaarin doorashadii la shaaciyey isla 14-kii bisha, lagu shaaciyey xogta sida loogu kala guulaystay doorashadii Koonfur Galbeed.
HBN ONLINE TV

