Maxkamadda sare ee Somaliland oo ansixisay go’aanka natiijada doorashada Ururrada iy Axsaabta

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta qaraar ka kooban laba bog ku ansixisay go’aankii natiijada doorashooyinka ee Ururrada iyo Axsaabta Qaranka ee tartamay, iyada oo ay doorashooyinkaas ahaayeen kuwa isku sidkan sida tan madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Ururrada iyo Axsaabta kale.

Maxakamadda oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday ansixinta go’aankii natiijada doorashooyinka ee Ururrada iyo Axsaabta Qaranka, ayaa sheegtay in ay ku soo bexeen Kulmiye, Wadani iyo Kaah.

Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ayaa waxaa booska ku cariiri doona Kaah oo codad mug leh, ka dib markii uu meesha ka saaray xisbiga Ucid oo muddo laba doorasho saaxadda ka maqnaa doona.

Tartanka ayaa Maxkamadda Sare ku sheegtay in wax cabasho ah kaga imaan, taasine ay muujieyso in cid walba ku qanacday natiijada doorashada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed