Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey sida la sheegay dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay 22-kii bishii February ee sanadkaan 2024.
Kooxdaan oo ka kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Boliis Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo lagu sheegay Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sid ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan 6-dii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.
Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha Tobankii bishaan oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.
Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Ex Dable Boliis Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.
Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
HBN ONLINE TV

