Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa in ay go’aan ka gaarto dacwadda loo heysto Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaasi oo loo heystay in uu dilay xaaskiisa oo xaamilo ahayd, laguna magacaabi jiray Luul C/casiis Maxamed.
Maxkamadda oo qaadatay saddex fadhi oo ku saabsan kiiskan ayaa maanta lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo go’aanka ugu dambeeya, kiiskan ayaa ah mid ay si weyn u sugayeen shacabka Soomaaliyeed.
Dhageysiga dacwada u dhaxeysay Qareenada difaacayay Eedeysanayaasha iyo Qareenada Marxuumka ayaa la soo gaba gabeeyay, waxaana la filayaa in maanta lagu dhawaaqo Xukunka Sayid Cali Macalin Daa’uud.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa xukun dil ah ku riday Sayid Cali, isagoo sheegay in eedeysanaha lagu helay inuu si bareer ah u gubay Xaaskiisa, isagoo u cuskaday cadeymo loo uruuriyay kiiska, waxaana xukunka lagu riday Sayid Cali Macallin oo soo maray marxalado kala duwan, waxaa soo dhaweeyay qoyska ay ka dhalatay Luul Cabdicasiis Maxamed si kastaba ha ahaatee Sayid Cali ayaa racfaan ka qaatay isagoo sheegay in uusan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee ay riday maxkamadda gobolka Banaadir.
Garyaqaan Cali Xalane oo u doodayay Daa’uud ayaa rajo ka muujiyay in Maxkamadda Racfaanka ay soo saarto go’aan ka duwan kii ay gaartay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Cali Halabe ayaa ku dooday in hadii ay ku qanci waayaan xukunka Maxkamada Racfaanka ay racfaan ka qaadan doonaan maxkamada sare ee dalka. Waxa uu ku dooday in Eedeysanaha uusan Gubin Xaaskiisa.
Maxkamadda Racfaanka ayaa dhageysatay marqaatiyaal cusub oo ay ku jiraan shaqsiyaad ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta soo gaaray markii ay ogaadeen dabka iyo dhaqaatiirtii u horeysay ee u tagtay Luul Sheekh C/casiis dhacdada ka dib, iyagoo si weyn u faah faahiyay dhacdooyinkii ku xeernaa geerideeda. Xukunka la wada sugayo ayaa maanta loo ballansan yahay.
Dacwadan oo ah mid si weyn loo hadal hayo ayaa noqotay mid si weyn u daneyneysa shacabka Soomaaliyeed, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan sida ay wax u socdaan, hase ahaatee waxaa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo go’aanka Maxkamadda Racfaanka oo si weyn loo wada sugayo.
HBN NEWS DESK