Maxkamadda Mudug oo xukun dil ah Ku riday Hodan oo dishay Saabiriin Saylaan

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug, Puntland ayaa xukun dil ah ku riday Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay inay si arxan-darro ah u dishay marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo ahayd gabar 14 jir ah, dilkaas oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

“Maxkamadda darajada 1-aad ee Gaalkacyo waxay ku xukuntay dambiile Hodan dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Saabiriin” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Maxamed Cabdisalaam.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay xukun ku riday eedeysane Cabdicasiis Nuur Xaashi — ninka Hodan — oo lagu helay ku lug lahaanshaha kiiska in lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo $500 oo ganaax ah.

Fadhigii maanta, qareenka u doodayay Hodan ayaa ku dooday in ay qabto dhibaato maskaxeed, taas oo sababtay falka ay gashay. Hase yeeshee, qareenka dacwadda kala soo horjeeday ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sharci ahaan u noqon karin cudur-daar, isla markaana eedeysanuhu ay leedahay mas’uuliyad buuxda, kadib markii ay soo bandhigtay muuqaaladii tacadiyada ilaa kii ugu dambeeyey ee dhimashada gabadha.

Kiiskan Saabiriin Saylaan oo muddo 10 maalmood ah maydkeedu ku jiray talaagadda ayaa noqday mid si weyn u gilgilay bulshada Soomaaliyeed.

Magaalada Gaalkacyo waxaa aad loo adkeeyey amniga, iyadoo waddooyinka la dhigay ciidamo badan kadib dibadbaxyo kacsan oo looga soo horjeeday dilka Saabiriin oo ka socday maalmihii la soo dhaafay.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed