Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Holand ayaa diiday codsi ay soo gudbiyeen 10 urur oo u ololeeya xuquuqda Falastiiniyiinta oo doonayay in la joojiyo dhoofinta hubka dalkaasi u dhoofiyo Israa’iil isla markaana in la hakiyo ganacsiga lala sameeyo deegaannada Israa’iil ka sameysatay dhulka Falastiin ee la haysto.
Maxkamadda Degmada The Hague ayaa bayaan ku sheegtay in “dowladda aan lagu soo rogi karin mamnuucida dhoofinta alaabaha loo isticmaali karo ujeeddooyinka militari,” iyadoo carrabka ku adkeysay in dowladda ay leedahay xorriyad ku saabsan siyaasadda ay fuliso ayna maxkamaduhu ka digtoonaadaan inay si degdeg ah u farageliyaan.
“Maxkamaddu waxay soo gabagabeysay in aysan jirin sabab lagu soo rogo xayiraad buuxda oo ku saabsan dhoofinta alaabaha militari iyo kuwa loo adeegsado labadaba (militari iyo rayid) ee dalka.”
Kooxo u ololeeya xuquuqda Falastiiniyiinta ayaa bishii hore dacwad ka gudbiyay dowladda Holand, iyagoo dalbanayay in la joojiyo dhoofinta hubka ee Israa’iil, kuna eedeeyay dowladda inay ku guuldareysatay inay ka hortagto waxa ay ugu yeereen “xasuuq” ka socda Marinka Gaza.
Codsigan waxaa lagu sheegay in Holand, oo saxiixday Heshiiska Xasuuqa ee 1948, ay ku waajib tahay inay qaado tallaabo kasta oo macquul ah oo ay awooddo si looga hortago xasuuqa, iyadoo la tilmaamay khasaaraha badan ee rayidka ah ee ka dhashay dagaalka Israel ee ka socda Marinka Gaza.
Ururradan waxay soo xigteen amar Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay ku bixisay bishii Janaayo in Israa’iil ka hortagto xasuuqa ka socda Gaza.
Xukun kale oo gooni ah bishii Febraayo, maxkamad kale oo Holand leedahay ayaa ku amartay dowladda inay mamnuucdo dhammaan dhoofinta qalabka dayactirka ee dayuuradaha dagaalka ee F-35 loo geeyo Israa’iil, iyadoo laga cabsi qabo in loo isticmaalo tallaabooyin ka horimaanaya sharciga caalamiga ah intii lagu jiray dagaalka Gaza, halka dowladda ay racfaan ka qaadatay xukunkaas.
HBN Online TV