Maxkamadda Mudug oo maanta lagu soo bandhigay muuqaallo argagrax leh oo kiis dil ah

Maxkamadda Maxkmadda derajada koowaad ee gobalka Mudug ayaa maanta bilowday dhageysiga kiiska dilka marxuumad Saabiriin Salyaan, oo lagu eedeeyay haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, kaasi oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo marka hore dacwad oogista laga dhageystay ayaa soo bandhigay muuqaallo argagax leh oo muujinaya jirdil iyo tacaddi muddo kala duwan loo geystay marxuumadda, kuwaas oo qaarkood muujinaya iyadoo nafta kasii baxayso.

Eedeysanaha Hodan ayaa hor istaagtay maxkamadda, waxayna diiday in ay dil geysatay, balse waxay qiratay in ay garaacday. Maxkamaddu waxay waydiisay cidda duubtay muuqaallada, hase yeeshee eedeysanuhu waxay ku jawaabtay in aysan garanayn.

Muuqaalada Jirdilka lagu soo bandhigay maxkamadda—oo ay ku jiraan xiritaan, garaacid iyo tacaddi kale oo joogto ahaa—ayaa sababay dhimashada gabadha sida ay ku dooday qareenkeeda, waxaana dadka goobta joogay ay sheegeen in muuqaalladu aad u argagax badnaayeen.

Qareenka eedeysane Hodan ayaa ku dooday in aysan si kas ah u dilin marxuumad Saabiriin, balse ay canaanaysay si ay u tarbiyeyso. Wuxuu ka codsaday garsoorka Maxkamadda in la siiyo muddo ku filan si uu u difaaco muwakilkiisa eedda culus loo heysto, ayna siiyaan 15 cisho, balse waxaa loo ogolaaday muddo seddex cisho ah, waxaana Garsoorku ku amaray in mudada uu qaatay xogtiisa ku soo aruursado.

Si lamid ah markale qareenka odayga reerka Eedaysane Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas oo isna loo heysto masuuliyadda qoyska ayaa la faray in uu isna xogtiisa wakhtigaas la yimaado. Kiiska ayaa la mudeeyey in laga dhigo 24-ka bishaan November 2025, kaasi oo ku aadan isniinta todobaadka dambe.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed