Maxkamadda gobolka Banaadir oo u yeertay Hanti-dhowraha Qaranka oo loo haysto dambi culus

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u yeertay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale oo loo haysto sida ay hadalka u dhigtay dambi culus, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Cali Maxamuud.

Eedda loo soo jeediyay Guutaale ayaa ka timid Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaana loo haystaa inuu ku xad-gudbay sida lagu caddeeyay bayaanka madax-banaanida garsoorka dalka,

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa lagu amray inuu maxkamadda hortago maalinta berri ah, taariikhduna ay tahay 16/02/2025, si wax looga waydiiyo eedeymaha loo haysto.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed