Fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu toogtay Axmed Cabdullaahi Maxamuud saacado kadib markii u dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan oo ahaa wiil dhallinyaro ah, waxaana Maxkamadda gobolka ku xukuntay Baay toogasho.
Goobta lagu fuliyay Xukunka qisaasta ah oo ah duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, maamulka degmada Baydhabo iyo dadweyne tiro badan oo ay ka mid ahaayeen ehellada marxuumka la dilay.
Maxkamadda gobolka Baay ayaa la horgeeyay Axmed Cabdullaahi Maxamuud, iyada oo ku fulisay dil toogasho ah oo ah qisaasta Abshir.
Dilka marxuum Abshir ayaa ka dhacay xafiis uu ka shaqeynayay oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo, waxaana dilkaasi uu dhacay shalay Kadib markii la dilay waxaa warbaahinta la hadlay xeer ilaaliyaha gobolka Baay Mukhtaar Doodaalaaye..
Xukunnada dilalka ah maamulka Koonfur galbeed waa mid adag, waxaana si degdeg ah badi loo toogtaa dadka lagu helo dambiyada dilka ah. Horay maamulka ayaa xukunto toogasho ah u fuliyey
HBN ONLINE TV