Maxkamadda Galgaduud oo toogasho ku fulisay eedeysane dil aano qabiil ah ka geystay Guriceel

Maamulka maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye, kaasi oo loo haystay dil uu laba maalin ka hor uga geystay degmada Guriceel Marxuum Deeq Cabdi Jaamac.

Eedeysanaha ayaa lagu helay dambiga dilka oo ka dhacay bartamaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo maxkamaddu sheegtay in falkaasi ahaa dil bareer ah oo aano qabiil salka ku haya.

Xukunka ayaa lagu fuliyay goob fagaare ah, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan maamulka Garsoorka, Booliska iyo ehelada labada dhinac.

Mas’uuliyiinta maxkamadda ayaa sheegay in xukunka uu qayb ka yahay dadaallada lagu yaraynayo dilalka aanooyinka qabiilka ee ku soo badanaya deegaannada Galmudug, ayna muhiim tahay in cadaaladda lagu dhaqmo si loo adkeeyo amniga iyo kala dambeynta.

Ehelada Marxuum Deeq Cabdi ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka, halka shacabka Guriceel ay ku baaqeen in si joogto ah loo hirgeliyo caddaaladda si loo yareeyo falalka noocan oo kale ah.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed