Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil qisaas ah ku riday Dable Xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu si kas ah u dilay saaxiibkiis Marxuum Ismaaciil Xasan Ibraahim oo kala tirsanaa Ururka 222-aad, Guutada 22-aad ee Boliiska Milatari.
Dilka oo dhacay 17-kii bishii labaad ee sanadkan 2025 ayaa waxaaa uu ka dhashay muran la sheegay inuu ka bilowday xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada ciidamda ee ku taala degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in baaritaan dheer kadib uu codsaday in la qaado dacwadda, waxaana oggolaanshahaasi la helay 13-kii bisha May. Dacwadda ayaa si buuxda loo dhegeystay, iyadoo Maxkamaddu ay tilmaantay inay siisay waqti ku filan labada dhinac ee kiiska.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo warbaahinta dowladdu soo xigatay ayaa xaqiijiyay in garsoorayaasha maxkamaddu ay si cad ugu heleen Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf inuu si ula kac ah u dilay marxuum Ismaaciil Xasan, taasoo sababtay in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaaska marxuumka.
Xukunka maanta la riday ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sugayo sida la carrabaaby cadaaladda iyo in la adkeeyo anshaxa iyo sharciga ciidamada qalabka sida, si looga hortago dhacdooyinka isdilidda dhex mara xubnaha ciidamada.
HBN ONLINE TV