Saddex Eedeysane oo Lagu Fuliyay Xukun Dil Toogasho ah Muqdisho
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku fulisay xukun dil toogasho ah saddex nin oo lagu helay dambiyo la xiriira ka mid noqoshada ururka Alshabaab iyo ka qeyb qaadashada falal amni-darro oo sababay dhimasho.
Dhamaan Sadaxdan ayaana ka wada tirsanaa Khawaarijta waxaana ay Dilal iyo Qaraxyo horay uga gaysteen Caasimadda iyo Shabeelaha Hoose. Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabay Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani Cabdullaahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad).
Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in saddexdan eedeysane lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira rayid iyo ciidamo.
Dowladda Soomaaliya ayaa bishan dib u billowday fulinta xukunno dil oo muddo hakad ku jiray. Isniintii todobaadkan, 11-kii Agoosto 2025, labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa la toogtay kadib markii lagu helay inay la shaqeynayeen Alshabaab si loo dilo taliyahooda oo ay sariirtiisa hoos dhigeen ugu dambeyne ku geeriyooday.
Bishan Agoosto oo keliya, waa tiradii ugu badneyd waxaana xukun dil ah lagu fuliyay 8 qof oo xiriir la lahaa Alshabaab.
HBN ONLINE TV