Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo mamnuucday ka ganacsiya dawooyinka sarkhaanka loo isticmaalo

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta amartay in talaabo adag laga qaado goobaha lagu gado daawooyiinka qaabka daroogadda ah loo isticmaalo ee gudaha, iyada oo si gaar ah uu saameynayo magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faray Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugidda inay xiraan goobaha lagu gado kaniiniyaasha iyo cirbaddaha ay ka mid yihiin Tramadol iyo Pregabalin oo dadka isticmaala ay u yaqanaan bili-bili, kuwaas oo dhamaantood aan la istimaali Karin ilaa uu soo qoro dhaqtar.

Kaniiniga Pregabalin waxaa isticmaali kara dadka qaba Qalalka, taasi loogu talagalay in maskaxda qofka xanuunkaas qaba ay ka yareyso culeyska, halka Tramadol loogu talagalay dadka in laga yareenaayo xanuunka xad-dhaafka ah, taasi dhamaantood go’aan ka gaari doonaan in qof isticmaalo dhaqtarka ku shaqada leh.

Amarkaan ka soo baxay Maxkamadda daba socday, ka dib markii maanta ay Maxkamada Ciidamada ka soo muuqdeen xubno ku edaysan inay dalka ka dhoofiyeen hab ganacsi ahaan ah kaniiniyaasha iyo cirbadaha la mabnuucay, kuwaas oo qaab daroog ahaan loogu dhex qariyay kiilooyin Xalwo ah oo laga dhoofiyey Goroonka diyaaraddaha Muqdisho.

Kooxda Maxkamadda ka soo muuqatay ayaa la sheegay inay laba jeer dalka Sacuudiga u dhoofiyeen isku darka 14-kiilo oo Xalwo ah oo lagu dhex qariyay kaniiniyaasha iyo cirbaddaha qaabka daroogadda ah loo isticmaalo.

Xubnahaan ayaa waxaa u suurta gashay in ay guddaha Sucuudiga galiyaan qeybtii hore oo aheyd 4-kiilo oo Xalwo ah, balse markii 2-aad oo ay dhoofiyeen 10-kiilo oo Xalwo ah ay qabteen Booliska Boqortooyada Sacuudiga.

Daawooyinka qaabka daroogadda ah loo isticmaalo ee Pregabalin iyo Tramadol ayaa lagu gadaa goobo qarsoodi ah gudaha dalka, madaama aan la ogoleyn in laga iibiyo qof aan dhaqtar u qorin iyo in lagu isticmaali Karin goob aan Isbitlaal aheyn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed