Maxkamadda Ciidamada Somaliland oo xukun dil ah ku riday askari qof ku dilay Caynabo

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Somaliland ee Gobollada Bariga ayaa sheegtay in fadhi masuuliyiinta garsoorku ku yeeshay magaalada Caynabo kadib uu xukun dil toogasho ah ku riday Askari hore oo ka tirsanaa Ciidankooda Mursal Jaamac Cabdilaahi, laguna helay inuu si ula kac ah u dilay Marxuum Cabdi Hurre Xirsi.

Maxkamaddu ayaa sheegtay inay go’aamisay in falka dilka ah uu ahaa mid si cad loo qorsheeyay, isla markaana caddaymo buuxa lagu xaqiijiyay dambiga lagu soo oogay eedeysanaha, taas oo keentay in lagu rido xukunka ugu culus ee dilka.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa xukun 4 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cawil Ibraahim Maxamed, kaasi oo isna lagu helay inuu gacan ka geystay isla markaana kaalmeyn u fidiyay dambiilaha sida hadalka loo dhiagy falka dilka geystay.

Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa sheegtay in dambiilayaasha ay dhawaan ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Booliska, taasi oo sababtay in si degdeg ah loo horgeeyo hay’adaha caddaaladda, si loogu qaado tallaabo sharciyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed