Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday Shabakad Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday shabakad ballaaran oo lala xiriiriyay kooxda ah ee Ashabaab, kadib markii baaritaan qoto dheer oo ay sameeyeen hay’adaha ammaanka oo la horgeeyay maxkamadda.

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare) ayaa lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin, Xubin ka noqoshada kooxda Alshabaab, tashkiilinta iyo marin habaabinta carruurta Soomaaliyeed tan iyo sanadkii 2009-kii, Qorsheynta iyo fududeynta weerarro argagixiso ah oo ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Warbixinta dacwadda ayaa muujisay in Xuseen Fiidoow, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya, u xil saaray Daqare sida hadalka loo dhigay marin habaabinta dadka kasoo jeeda qoyska hoose ee uu isagu ka dhashay. Daqare ayaa lagu eedeeyay inuu kooxdan ku biirsiiyay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego) – Ex Dhamme, Maxamed Cabdulle Nuur (Abkoow Biyamaaloow) – Ex Dable xoogga dalka.

Labadan eedeysane ayaa si toos ah loogu eedeeyay weerarradii ka dhacay Muqdisho Mall 2019-kii, Qaraxii Baar Cagaweyne, agagaarka Hotel Wehliye, 2019-kii iyo Weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde sanadkii 2022.

Sidoo kale, Shariif Nuur Cali Awliyo, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha Bulshada degmada Hodan, ayaa lagu helay inuu basaas u ahaa kooxda Alshabaab, halka Maxamed Cali Kaahiye uu weli ku dhuumaaleysanayo gobolka Mudug, isagoo qayb ka ah sida lagu sheegay bayaanka Maxkamadda shabakadda.

Waxaa kaloo dacwadda ku jiray Cabdi Xakiin Axmed Diini (Wadne) oo ahaa Sargaal ku-xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kaasoo isna lagu helay inuu ku biiray kooxda Alshabaab kadib markii uu tashkiilay abtigiis Daqare.

Shabakaddan ayaa si gaar ah ugu lug lahayd soo gelinta caasimadda gawaarida qaraxyada lagu diyaariyo iyo marin u helidda kantaroollada ciidamada, maadaama xubno badan ay haysteen aqoonsiyo ciidan.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, ayaa warbaahinta u sheegay in garsoorka uu si buuxda u dhageystay labada dhinac, kaddibna uu go’aanka gaarey. Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare) ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ah, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini (Wadne): Xukun afar sano oo xabsi ciidan ah lagu riday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed