Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo la wareegtay kiis musuq maasuq kaddib raashin la dhunsaday ee ciidanka Danab iyo Mareykanka oo jooyay raashinkaas

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegtay kiis musuq maasuq ah oo si weyn , kaasi oo ku saabsanaa in la leexsado deeq raashin ah oo loogu talagalay ciidamada Danab  oo ah ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed. Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamacad) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa faah faahin ka bixiyay fadeexaddan, isagoo muujiyay heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa ka jira taliska ciidamada Danab.

Wasiir Cabduqaadir ayaa xaqiijiyay in arintaan ay dhacday ku dhawaad ​​labo todobaad ka hor markii qeyb kamid ah Raashinkii loogu tala galay ciidamada Danab si sharci daro ah loo leexiyay kadibna lagu kala gatay suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho. Waxa uu qirtay in falkaan sharci darrada ah ay ku lug leeyihiin saraakiisha sare ee ciidamada xoogga dalka, waxa uuna cadeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono sida uu sheegay sharciga.

Baaritaanka iyo dacwadaha sharci ee la xiriira kiiska musuq maasuqa ayaa hadda loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Wasiir Cabdulqaadir ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladdu ay ka go’an tahay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo xaqiijinta tayada ciidamada qalabka sida.

Dhanka iskaashiga caalamiga ah, dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidamada Danab, marka laga reebo cunno, iyaga oo ka xumaaday falkan. Sarkaal Mareykan ah ayaa ku celiyay mowqifka Washington ee ku saabsan mudnaanta la siinayo isla xisaabtanka iyo hirgelinta ilaalinta si looga hortago dhacdooyinka musuqmaasuqa mustaqbalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed