Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, Daa’uud Bashiir Cadow, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si bareer ah u dilay Saciid Cabdi Muusa.
Daa’uud Bashiir Cadow ayaa Siciid Cabdi Muuse ku dilay goob Timo-jare ah bishii December 2024-kii, kaddib markii ay ku murmeen cidda marka hore timaha u xiiranaysa, iyadoo qof walba uu caadi ahaan saf ugu jiray.
Daa’uud Bashiir ayaa murankii kadib madaxa ka toogtay Saciid Cabdi Muuse.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in falkan uu ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho
HBN NEWS DESK