Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askari hore u dilay qof shacab ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa dil ku xukuntay Dable Maxamud Cabdulle Geesood oo ka tirsan Guutada 7-aad ee ciidamada xoogga dalka, ka dib markii ay ku heshay dil uu ugu geystay qof shacab gobolka Mudug.

Xeer ilaalinta ayaa Maxamuud Cabdulle ku soo eedeysay in uu degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo” 29-kii bishii 2-aad sanadkaan 2024.

Dilka ayaa yimid ka dib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan Hay’addaha caawiya dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi ka dibna waxaa xigtay in Eedeysanaha sida ay hadalka u dhitgay Maxkamaddu uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaasna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.

Eedeysanaha oo dilka ka dib Baxsaday ayaa gacanta Hay’addaha Ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha 4-aad ee Sanadkaan 2024, iyada oo baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, uu codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 3-dii bishaan September 2024.

Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in Maxamed Cabdulle lagu xukumay dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed