Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan oo ay ku jiraan dil toogasho ah ku riday shabakad askar ah oo loo haystay dambiyo isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay ka geysteen magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nash-qadeeye) oo ka mid ahaa ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, qisaasta Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Dalxiiska Degmada Dayniile, dilkaas oo dhacay 7 bishii Juun ee sanadkan 2025. Sidoo kale, Maxkamaddu waxay ku xukuntay inuu bixiyo taleefan noociisu yahay Iphone Mini ah iyo bastoolad Biljim ah oo uu ka dhacay marxuumka.
Maxkamadda ayaa Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) oo ka mid ahaa ciidamada xoogga ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, halka Dable Xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake), Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka) iyo Dable Xoogga Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag) lagu wada xukumay min shan sano oo xabsi ciidan ah. Sidoo kale, Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna Qabad) ayaa isna lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale Maxkamaddu waxay ku xukuntay dhammaan eedeysanayaasha in ay bixiyaan moobeeladii iyo hantidii ay ka dhaceen dhibbaneyaasha, iyadoo si gaar ah Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) oo ciidan ah iyo Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna Qabad) loogu xukumay inay bixiyaan magta iyo kharashka ku baxay dhibbaneyaasha ay dhaawaca u geysteen.
Dhanka kale, Dable Xoogga Cabdishakuur Eelaay iyo Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga), oo maqane ahaa lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah, halka Dable Xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) lagu xukumay 1 sano oo xabsi ciidan ah. Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) ayaa Maxkamaddu siisay xorriyaddiisa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u sheegay in xukunnadan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo falalka amni-darro iyo ku xadgudubka sharciga ee ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan ciidamada.
HBN Online TV

