Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Shabakad Alshabaab u qaabilsaneyd dilalka iyo Qaraxyada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday xubno lagu helay inay ka tirsan yihiin shabakad u qaabilsan kooxda Alshabaab dilalka qorsheysan iyo qaraxyada, kuwaa oo muddo lagu raadjoogay.

Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali (afgarashada Cabdimajiid), Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre (afgarashada Cumar) ayaa lagu helay inay fuliyeen weerarro gaadmo ah, halka Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed (Webka) uu gaar ahaan u qaabilsanaa sida hadalka loo dhigay diyaarinta qaraxyada iyo miinooyinka dhulka lagu aaso.

Shabakaddan ayaa lagu qabtay howlgallo sirdoon oo ay fulisay NISA 18-kii bishii August 2024, kuwaas oo ka dhacay saddex goobood. Intii lagu jiray howlgalka waxaa la qabtay bastoolado iyo bam-gacmeedyo, iyadoo sidoo kale la helay xog ku saabsan qarax miino oo Kaxda ka dhacay oo sababay dhimashada dad rayid ah, oo ay ku jireen dhalinyaro tiktokers oo muuqaallo duubayay.

Dacwadda oo ay si qoto dheer u baareen Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Farxaan Aadan Xasan inuu ka tirsanaa qeybta dilalka iyo qaraxyada ee Alshabaab, halka Xasan Cali Ciire Kuuloow uu shabakadda u ahaa shaqo suge, waxaana uu gacan galay kadib tilmaam laga helay eedeysane Farxaan oo ay isku shaqa ahayeen, balse markii dambe lagu waayay caddaymo culus.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Maxamed, Cabdullaahi, iyo Deeqoow min 10 sano oo xabsi ah Alshabaabnimo ah, Cabdishakuur Webka ayaa lagu xukumay 3 sano iyo Farxaan Aadan 5 sano ah, halka Xasan Ciire loo celiyay xorriyaddiisa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed