Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ah ku fulisay shabakad Alshabaab ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka fulisay xukunkii dil qisaas ah oo hore loogu riday laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Maaxi, Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadeey ayaa Maxkamaddu waxay horey ugu xukuntay dil qisaas ah kadib markii lagu caddeeyey in ay si qorsheysan u beegsadeen muwaadiniin qiimo weyn ku lahaa bulshada.

Ibraahim Aadan ayaa lagu helay inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed, oo ka mid ahayd haweenka nadaafadda ka shaqeeya degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halka Cabdiraxmaan lagu helay inuu ka tirsanaa koox weerar ku qaaday guriga Marxuum Nadoon Cabdi Xasan Muxyadiin oo goobta ku geeriyooday.

Labadan xubnood ayaa la xaqiijiyey in ay ka tirsanayeen qeybta Jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah ee Al-Shabaab, oo si gaar ah u qaabilsan weerarrada qorsheysan iyo beegsiga dadka rayidka iyo mas’uuliyiinta.

Xukunka saaka la fuliyey waxa uu muujinayaa balan ay Maxkamadda Ciidaamda horay u qaaday oo ahayd inay dil lagu fulin doono dhamaan dadka la shaqeynta Alshabaab ku eedeysan, taasi oo muujinaysa fariin cad oo loo dirayo xubnaha kooxda ku jira weli oo digniino dheeraad ah loo diray.

Bishii hore ee Agoosto Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno dilal ah ku fulisay 12 xubnood oo lagu helay inay dileen dad isugu jiray Nabadoono, Aqoonyahan, Ganacsato, Askar dowladeed iyo arbushida amniga magaalooyinka ay laga soo kala qabtay oo Muqdisho iyo Gaalkacyo ugu horeeyaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed