Maxkamadda Ciidamada oo Baarlamaanka Soomaaliya u gudbinaysa xasaanad ka xayuubin si loo maxkamadeeyo xildhibaanno loo heysto colaad hurin

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in Baarlamaanka Federaalka ay u gudbin doonto codsi ah in lagala laabto xasaanadda xildhibaanno lagu eedeeyay inay taageero u fidiyeen sida hadalka ay u dhigtay maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamaddu waxay sheegtay in masuuliyiintan xasaanadda leh ay maleeshiyaadka siiyeen hub, rasaas iyo lacago, sidoo kalena ay difaac u galeen iyaga oo baraha bulshada ka taageeraya.

Waxay caddeysay Maxkamaddu inay soo ururisay caddeymo fara badan oo muujinaya in xubno xildhibaan ah ay si toos ah u taageereen ama hoos yimaadeen maleeshiyaadkii ku dagaalamay Wanlaweyn, kuwaa oo geystay khasaare dil, gubis, dhac iyo jid-gooyo ah.

Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in caddeymahaasi la horgeyn doono guddoonka Baarlamaanka iyo guddiga anshaxa, si loo guda galo habraaca xasaanad kala laabashada.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa amar ku siisay taliska ciidamada gobolka iyo kan Booliska Wanlaweyn in wax isbaaro ah aan la dhigin guud ahaan deegaanadii lagu dagaalamay. Hay’adaha amniga ayaa lagu wargeliyay in amarkani uu yahay mid degdeg ah oo aan laga baaqsan karin.

Dhanka kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa shaacisay in amar qabasho “nolosha ama geeriba” in lagu soo qabto koox baxsad ah uu weli furan yahay, isla markaana ay ciidamada ammaanku awood u leeyihiin soo qabashada dhammaan xubnaha lagu riday dilka toogashada oo dhan lix rag ah, waxaana lagu kala magacaabaa: Cali Isxaaq Guuleed, Fu’aad Axmed Maxamed, Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed Tuurre.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed