Maxkamadda Ciidamaada Soomaaliya oo saaka fulisay xukunno Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kadib markii la sheegay in lagu helay dambiyo culus oo qaarajin iyo qaraxyo isugu jiray.

Raggaan dilka lagu fuliyay oo lagu kala ahaa Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) Iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed {Baari, biibaaye ayaa waxaa horay xukun toogasho ah ugu riday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida.

Sida ay ku warantay warabaahinta dowladda Soomaaliya oo dhacdadaan dilka xog ka soo gudbisay waxay sheegtay in labadaan xubnood loo haystay dilal & Qaraxyo ka dhacay Caasimada, kuwaa sababay dhimashada muwaadiniin Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed