Maxkamada ku taal Puntland oo la soo tagaay shan nin oo lagu eedeeyay inay Al-Shabaab la shaqeynayeen

Shan nin oo la sheegay in ay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada Puntland ee magaalada Boosaaso.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay gaadiidkooda u adeegsan jireen inay xubno ka tirsan Al-Shabaab ka soo daabulaan dhulka buuraleyda ah, si ay falal dil ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sheegay in ragaan lasoo qabtay kadib baaritaan lagu sameeyay labo kiis oo dil ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso. Ciidamada Nabad Suggida, ayaa gacanta ku soo dhigay shanta nin iyo gaarigii ay wateen, intii uu hawlgalka socday.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa ku andacoonaya in Al-Shabaab ay ku qasbeen in ay fuliyaan howlahan, halka qaar kalena ay ku doodeen in ay si aanan la ogeyn ula shaqeynayeen Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa lagu wadaa in maanta ay xukun ku riddo afar ka mid ah shanta nin, halka mid ka mid ah eedeysanayaasha lagu waayay wax danbi ah.

HBN NEWS DESk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed