Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday koox dhac ka geystay magaalada Muqdisho oo ay ku jirto haweeney

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunno ku ridday eedeysanayaal lagu soo eedeeyay falal burcadnimo, iyadoo tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka cadaaladda caasimadda Soomaaliya.

Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah Haweeney lagu magacaabo Nimco Maxamuud Cali oo ay la socdeen saddex nin, waxaana lagu soo eedeeyay falal dhac iyo Khamri, iyadoo fal-dembiyeedyadii ugu dambeeyay ay dad rayid ah ku laayeen degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho. .

Kooxdan oo ka kooban  Aslub Nuur Iidle Salaad, C/salaan Arwaax Shariif, Maxamed Nuur Axmed iyo Nimco Maxamuud Cali, ayaa lagu helay dambi ah inay abaabuleen dhac hubeysan iyo inay gaadiid ahaan u adeegsadaan howlgalkooda.

Waxaa la sheegay in afar iyo toban qof ay ku dhinteen fal dambiyeedka ay galeen, halka Nimco Maxamuud Cali ay qaadatay door ah in ay qariso alaabtii ay dhaceen, isla markaana ay si xeeladeysan u dejiso gaariga kooxdan si ay uga baxsadaan ciidamada.

Dableyda falkaan geysatay, ayaa waxaa bishii August ee sanadkii hore ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka, kadib baaritaan xoogan oo lagu ogaaday gaari ay wateen oo ku sugnaa Garaash ku yaala Degmada Hodan. Dhegeysiga danbe ayaa iftiimiyay heerka uu gaarsiisan yahay dambiyada ay galeen, taasoo keentay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku fuliso cadaalada si waafaqsan sharciga.

Maxkamada ayaa markii ay si taxadar leh u fiirsatay cadeymaha loo soo bandhigay waxay ku xukuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah Ex- Kormeere 2-aad ee Ciidanka Asluubta Nuur Iidle Salaad, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska A/salaan Arwaax Shariif iyo Ex-Dable Maxamed Nuur Axmed, oo lagu daray Nimco Maxamuud Cali oo ah haweeneyda eedeysanaha ah ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, taasoo ka tarjumeysa heerka uu gaarsiisan yahay dambiga ay galeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed